Wararka

DEG DEG: Weerar qasaaro gaystay oo ka dhacay Awdheegle iyo Degaanka Bariire.

Al-shabab ayaa Saaka aroortii weeraro ku bilawday Gawaari laaga buuxiyay walxaha Qarha ku qaaday Degmada Awdheegle iyo Degaanka Bariire halkaas oo ay saldhigyo Malitiri ku leeyihiin Ciidamada xogga dalka.

Dowlada federaalka Soomaaliya oo ka hadashay weerarkaas ayaa sheegtay in ciidanka xogga dalka iska caabiyeen weerar ay soo abaabuleen Al-shabaab sida lagu daabacay Warbaahinta dowlada.

“Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo markasta kafeejigan dhagarta cadawga waxeey hortageen weeraro maleeshiyaadka Al-Shabaab isku dayeen inay kusoo qaadAan degmada Awdheegle iyo degaanka Bariire ee Gobolka shabeelaha hoose gaadiid waxyaabaha qarxa ay kasoo Buuxiyeen ayay Ciidanka xoogga kaga hortageen magaalooyinka banaankooda Al-Shabaab waxaa halkaasi lagu gaarsiiyay qasaare xoogan meeydad badan ayay ka carareen”. Ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Dowlada federaalka.

Dhanka kale Warbaahinta Al-shabaab ayaa dhankooda sheegay in ay Al-shabaab la wareegeen gacan ku haynta Degmada Awdheegle iyo Degaanka Bariire.

Balse qoraal ka soo baxay Maamulka Degmada Awdheegle ayaa sheegay in degmada ay ku suganyihiin cidanka Qalabka sida ee Qaranka.

Halkaan ayaan idin kugu soo gudbin doona wararka kusoo kordha weerarkaas.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close