Wararka

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo garay dalka Qatar.

Safiirka Dowladda Soomaaliya u fadhiya Dalka Qatar Danjire/ Cabdirisaaq Faarax Cali (Taano) ayaa ku soo Dhaweeyay garoonka diyaaradaha magaalada Dooxa ee dalka Qatar Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga JFS /Xasan Xuseen Xaaji oo muddo kooban ku sugnaa garoonka Hamnad International Airport ee magaalada Dooxa.

Safiir Taano oo uu Welhiyo uqeybsanaha arimaha Ciidanka ee Safaaradda General Maxbuub Xasan Cabaade ayaa wasiirka Gaashaandhigga JFS kula qaatay waqti garoonka diyaaradaha ayada oo wasiirku Xusay in Dowladda Soomaaliya ay dadaal Xoogan galisay dib-u-dhiska Ciidanka ,Dalal kala duwan oo Qatar ay ka mid tahayna kaga mahadcelinayaan Mashaariicda horumarineed iyo midda amni ee Soomaaliya ay ka fulinayaan.

Safiirka Soomaaliya Danjire Cabdirsaaq Taano ayaa dhiniciisa uga war bixiyey Wasiirka Xaaladda Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Qatar iyo soodhawaynta wanaagsan ee ay helaan walaalahooda Qatar, dawlad ahaan iyo shacab ahaanba.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close