Wararka
Safiirada beesha caalamka oo digniin adag la siiyay.

Wasiirka warfaafinta xukuumada federaalka Soomaaliya Cusmaan Abukar Dubbe oo ka hadlay kulanka Malinkii Seddexaad u socda Madaxweynaha dalka, Ra’isal wasaaraha xukuumada, Qaar kamid ah maamul Goboleedyada iyo Gobolka Badir ayaa sheegay in aan marnaba loo dul qaadan doonin safaaradaha shisheeye ee luqada qalifan isticmaalaayo xiligaan xasaasiga ah.
Wasiirka ayaa sheegay in ay dowlada Tilaabo adag ka qaadi doonta dhamaan safaaradaha aan ka waan toobin isku dirka Shacabka Soomaaliyeed iyo madaxdooda iyo hoos u dhigida sharafka iyo karaamada dalkeena.
Dhawaan ayay aheed ka dib markii ay saraadahaha Beesha caalamka ay barahooda Bulshada ku daabaceen luuqad aan u dhaween qaab diblomaasi.