Wararka
Shir gaar ah oo dhexmaray Madaxda Galmudug iyo Koonfur Galbeed.

Kulan Gaar ah ayaa waxaa uu dhex maray Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) iyo Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor.
Kulankaan oo ka qabsoomay hoyga uu ka degenyahay magaalada muqdisho Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa looga hadlay Dardar gelinta Arimaha Doorashooyinka Dalka iyo Dadaalada ay ugu jiraan sidii heshiis looga gaari lahaa Arimahan taagan.
Kulanka labadaan Masuul ayaa ku soo aadayo xili Fashil uu ku soo dhamaaday shirkii lagu waday in uu dhex maro madaxda dowlada federaalka, Hoggaamiyaasha Maamul goboleedyada dalka Iyo Hoggaanka Gobolka Banadir waxaana shirka isaga baaqday Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland.