Wararka

Wasirka Amniga Galmudug oo kulan la yeshay Madax sare oo Itoobiyaan ah.

Wasiirka Amniga Dowlad goboleedka Galmudug Axmed M. Fiqi oo ka mid wafdi wasiirro iyo taliyaha ciidamada Nabadsugidda Galmudug oo booqasho ku jooga magaalada Wardheer ee dawlad deegaanka Soomaalida ayaa kulamo kula qaatay wafdi uu hogaaminayo dhiggiisa Hogaanka Nabadgalyada Dawlad deegaanka Dr. Xuseen Qaasim iyo taliyaal ka socda ciidamada  Itoobiya iyo kuwa dawlad deegaanka ee Liyuu Booliska.
Labada wafdi ayaa yeeshay kulamo muhiim ah oo ku saabsan: nabadgalyada xuduudaha, qiimayn heshiisyo amni oo horay labada dhinac ay u kala saxiixdeen, dhacdooyin amnidarro iyo isku dhacyo maleeshiyaad ku dhexmaray xadka labada dal ee ku aaddan labada maamul iyo sidoo kale sidii la isaga kaashan lahaa amniga xuduuda dheer ee labada maamul u dhexeysa iyo sidoo kale la dagaalanka Waxa loogu yeero argagixisada.
Kulamada ayaa weli soconaya ayadoo mas’uuliyiinta labada dhinac ay qodobada intooda badan isla fahmeen, qodobada dhimanna maantay laga sii wada hadli doono.May be an image of 2 people, people standing and military uniformMay be an image of 2 people, people standing, people sitting and indoorMay be an image of 1 person, sitting, standing and indoorMay be an image of 3 people, people sitting and indoor
Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close