Wararka
Madaxweynaha Jubbaland oo ka hadlay Dacwada Badda.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbland ayaa qoraal uu soo dhigay Bartiisa Facebook ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in loo Midoobo Difaaca Bada.
“Waxaan garab taaganahay Qareenada iyo Xubnaha kale ee maalintii labaad u taagan dooda Dacwada Badda ee inagala dhaxeysa Kenya ee taala Xarunta Maxkamada Cadaaladda Adduunka. Waxaan ummadda Soomaaliyeed ugu baaqayaa in si wadajir ah loogu midoobo difaaca Baddeena taas oo ah masuuliyad saaran muwaadin kasta oo Soomaaliyeed. Waana guuleysaneynaa Inshallah.” ayuu Yiri Madaxweynaha Jubbaland.
Maanta ayay Qareenada Difaacaya Baddeena waxaa ay jeedinayaan Caddeemaha Muujinaayo Xaqiiqada in aanu badda Leenahay.