Wararka
Illaalada Madaxweynaha Puntland oo soo gartay Muqdisho.

Magaalada Muqdisho waxaa soo gaaray Illaalada Gaarka ah ee madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Saciid Cabduulahi Deni kaas oo lagu wado in saacaddaha soo aadan uu soo gaaro Muqdisho.
Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Saciid Cabduulahi Deni ayaa Muqdisho u imaan doona sidii uu qayb ugu noqon lahaa wadahadalada loogu jiro sidii Xal looga gaari lahaa arrimaha Doorashada.
Madaxweynaha Jubbaland Axmed Islam ayaa horay u soo gaaray caasimada dalka waxaa uuna tan iyo markii uu yimid uu kulama gaar gaar ah la yeeshay Midowga Musharaxiinta Soomaaliya iyo Qaar kamid ah safiiradda Beesha calamka u jooga Soomaaliya.