Wararka
Madaxweynaha Jubaland oo kulan la qaatay danjiraha Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya.

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa hoyiga uu ka dagan yahay Magaalada Muqdisho ku qaabilay danjiraha Dowlada Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Donald Yamamoto.
Madaxweynaha iyo Safiirka ayaa ka wada hadlay arimaha Doorashada iyo sidii beesha caalamku ay qeyb uga qaadan lahayd sidii Doorasho xor iyo xalaal ah ay dalka uga dhici lahayd.
Sidoo kale Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa kulan la qaatay Gudoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS Cabdi xaashi Cabdillahi.
Madaxweynaha Jubbaland ayaa tan iyo markii uu soo gaaray Magaalada Muqdisho waday dadaal la xiriira arimaha Doorashada, isagoo kulamo la qaatay dhinacyada ay qusayso taas oo gogol xaar u ah shirka dhawaan ka dhici doona Magaalada Muqdisho.