Wararka

Allah u naxariistee Madaxweynihii hore Cali Mahdi Maxamed oo ku geeriyooday Kenya.

Allah u naxariistee Waxaa Magaalada Nairobi ku geeriyoodey Madaxweynihii hore Cali Mahdi Maxamed.

Marxuumka oo dalka u soo shaqeeyay wakhti adag ayaa waxaa geeridiisa ka tacsiyeeyay Madaxdii hore ee dalka sida Sheeq Shariif Sheeq Axmed.

“Waxaan murugada la qaybsanayaa guud ahaan shacbiga Soomaaliyeed anigoo uga tacsiyeynaya geerida Madaxweynihii hore Cali Mahdi Maxamed oo Nairobi ku geeriyoodey.Wuxuu dalka usoo shaqeeyey xilli adag isagoo qayb ka qaatay shirar badan oo dib u heshiisiineed oo Soomaalida gudaha iyo banaankaba loogu qabtay. Waxaan si gaar ah tacsi ugu dirayaa qoyskiisa iyo qaraabada, Allaha u naxariisto Samir iyo Iimaanna Allaha naga siiyo”. Ayuu boggiisa facebook ku soo qoray Madaxdweynihii hore ee dalka Sheeq Shariif.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close