Wararka
Muuse Biixi “Xubnaha Somaliland u dhashay ee hawshaa ku foogan waxaan u sheegayaa in Shuruucdii lagula dhaqmi jiray aad loo adkaynayo”

Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo maanta jeediyay Khudbadda sanadeedka uu ku hortago golaha wakiilada maamulkaas ayaa waxaa uu ka hadlay qodobo dhowr ah oo ay kamid tahay dhaqaalaha.
Madaxweynaha ayaa sheegay in maamulka Somaliland ay ku yallaan afar Baank oo gaar loo leeyahay. Waxaa uu sheegay in Lacagta ay Shacabka Somaliland dhigteen ay garayso 200 Milyan oo Doollar oo dhigaal ah.
Sidaas darteet ayuu madaxweyne Biixi Soo jeediyay in ay fiicnaan laheed in lacagtaas laga shaqaysiiyo madama ay abuuri lahayd Wershado iyo Cisbitaallo casri ah.
Madaxweyne Muuse Biixi oo ka hadlay Wadahadalada u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Somaliland ayaa sheegay in ay meel wanagsan marayso waxaa uu dhanka kale sheegay in Somaliland adkaynayso Sharciga lagula dhaqmo dadka xilalka ka soo qabta Soomaaliya ee Somaliland u dhashay.
“Xubnaha Somaliland u dhashay ee hawshaa ku foogan waxaan u sheegayaa in Shuruucdii lagula dhaqmi jiray aad loo adkaynayo, waayo waxa inoo fududaatay in la yidhaahdo waa hebel oo waa nin weynoo dalkiisii kusoo noqdaye halla saamaxo, kii la saamaxay baa noqday oo imika ka taliya meeshii, dee caqli ma aha oo qarannimaday meel kaga dhacay, laakiin sharcigii adkaa ee aad meelmariseen ee ahaa illaa maxkamad la mariyo lama saamixi karo, ayaa lagu dhaqayaa haku talo galaan”. ayuu Yiri Muuse Biixi.