Wararka
Maxaa sababay in uu dib u dhaca banaan-bixii loo balansana malinta bari ah?

Guddoomiyaha Midowga Murashaxiinta Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in dib loo dhigay dibad-baxii 6da Maarso ahaa ayadoo la tixgelinaayo xaaladaha caafimaad ee caabuqa covid_19 iyo xaaladaha amni ee dalka, dibna laga soo sheegidoono waqtiga dibad baxa.
Madaxweynihii hore ayaa sidoo kale sheegay in amniga dibad baxa uu sugi doono Midowga Murashaxiinta.
Maalinimada Bari ayaa lagu waday in dibad baxaas lagu qabta DaljirkaDasoon balse Waddoyinka waaweyn ee casimada ayaa maanta la keenay ciidamada gaarka ah ee Harmacad.