Wararka
Yaa Sabab u ah fashilkii ku yimid shirkii dowlada iyo Mucaradka.

Fashil ayuu ku soo idlaaday shirkii seddexaad ee xalay dhex maray Ra’isal wasaaraha Xukuumada federaalka Soomaaliya iyo Midowga musharaxiinta.
Ra’isal wasaaraha dalka Maxamed Xussen Roble oo qoraal koban soo dhigay bartiisa Facebook ayaa waxaa uu ku sababeeyay ismari waagas in Midowga musharaxiinta Soomaaliya dalbadeen in ay qayb ka noqdaan Shirka dowlada federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banadir balse taasi aysan surta gal aheen marka la eego heshiiskii 17-ka September.
“Shirkii aan la qaatay Midowga Musharaxiinta, waxaan sameynay tanaasul badan. Qodobbadii aan ka hadalnay waan isku raacnay marka laga reebo qodob ay ku adkeysteen oo ah in laga qeyb galiyo shirka Madasha Dowladda Federaalka, Dowlad-goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, taas oo la macne ah in dib loo furfuro heshiiskii 17-kii September,2020, oo aanan kaligey xaq u lahayn wax ka baddelkiisa” ayuu yiri Maxamed Xussen Roble.
Roble ayaa intaas ku dharay in wali ay Albaabadiisa u furanyihiin cidkasto oo tabasha wadato.
“Wali Albaabadeydu way u furan yihiin wada hadal iyo is-qancin, si aan xal kama dambeys ah u gaarno dalkana uga hirgalinno doorasho hufan oo si nabad ah ku dhacda” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.
Dhankooda, mucaradka dowlada oo ka hadlay fashilka ku yimid wadahadalka ayaa eeda dusha ka saray Ra’isal wasaaraha dalka waxaa ayna ku eedeeyeen in go’aan qadasho uusan laheen.
“Midowga murashaxiinta wuxuu isku deyey in uu sameeyo tanaasul kasta oo suuragal ah si xal loo gaaro, xiisadana loo dejiyo. Nasiibdaro dhinaca kale taas kama suuragelin, sababtuna waa in ruux masuuliyad iyo awood siyaasadeed uu leeyahay cid ka hoosaysa fariin qoraal ka sugaya” ayuu yiri Cabdi Raxmaan Cabdi Shakuur oo mucaradka u hadlay.