Wararka
Soomaaliya oo cambaareysay weerar ay kooxda Xuutiyiinta ku qaadeen garoon diyaaradeed ee ku Yalla Sacuudiga.
Dowlada federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay weerar ay kooxda Xuutiyiinta ku qaadeen garoonka diyaaradaha Abha ee dalka Boqortooyada Sucuudi Carabiya kaas oo loo adeegsaday diyaarad aan duuliye lahayn oo miinaysan.
Dowlada Soomaaliya ayaa sheegtay in weerarkaasi uusan marnaba nabad u keenayn gobolka balse uu carqaladaynayo howsha nabadda ee Yemen, sidoo kalena uu qalqalgelinayo amniga iyo deganaanshaha.
Sidoo kale Dowlada Soomaaliya ayaa sheegtay in Boqortooyada ay ku garabtaagantahay dagaalkeeda ka dhanka ah waxa loogu yeero argagaxisada.
“Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxa ay si adag u cambaaraynaysaa maleeshiyaadka Xuutiyiinta oo diyaarad aan duuliye lahayn oo miinaysan ku weeraray garoonka diyaaradaha Abha ee dalka Boqortooyada Sucuudi Carabiya , waxa ayna rumaysantahay in weerarkaasi argagaxiso aanu marnaba nabad u keenayn gobolka balse uu carqaladaynayo howsha nabadda ee Yemen, sidoo kalena uu qalqalgelinayo amniga iyo deganaanshaha. Soomaaliya waxa ay caddaynaysaa in Boqortooyada ay ku garabtaagantahay dagaalkeeda ka dhanka ah argagaxisada”. ayaa lagu yiri Qoraal ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.