Wararka
Xafiiska Xalinta Khilaafaadka Idlo degmada Baydhaba iyo Afgooye oo xariga laga jaray.
Agaasimaha guud Wasaarada Cadaaladda iyo Arimaha Garsoorka DG KGS, Maxamed Deeq Noor cali ayaa Xariga ka jaray Xafiiska Xalinta Khilaafaadka Idlo degmada Baydhaba iyo Afgooye.
Furitaanka daadajinta Barnaamijka heer degmo ee xafiiska xalinta Khilaafaadka oo ay hormuud ka tahay Wasaaradda Cadaaladda Arimaha Garsoorla dowlad gobaleedka Konfor galbeed ayaa laga hirgeliyay degmooyinka Baydhaba iyo Afgooye ee Gobolka Bay iyo Shabeelaha Hoose ,iyadoo qorshahu uu yahay in bulshada ay helaan adeeg Garsoor oo dhammeystiran.
Munaasabad kooban oo lagu qabtay xarunta degmada Baydhaba ayaa Bulshada ay ku ammaaneen doorka Wasaaraddu ay ka qaadaneyso dib u soo nooleynta Golaha Adeega Garsoorka KGS.
Agaasimaha guud Wasaaradda Cadaaladda & Arr. Garsoorka DG KGS Maxamed Deeq Noor, ayaa sheegay in xafiiskan xalinta Khilaafaadka uu wax badan ka tari doono baahiyaha dhanka garsoor ay qabaan Bulshada degmooyinka Baydhaba iyo Afgooye ee Gobolka Bay iyo Shabeelaha hoose.
Wasaaradda Cadaaladda Garsoorka DG KGS ayaa sheegtay in xafiiska xalinta Khilaafaadka ay garsiin doonaan dhammaan degmooyinka Gobollada DG KGS si bulshada ku dhaqan dowlad gobaleedka Konfor galbeed ay u helaan dhammaan Adeeg garsoor oo dhammeystiran.