Wararka

Beesha Caalamka oo soo dhawaysay Shirka uu ku baaqay Madaxweyne Farmaajo.

warsaxaafadeed ka soo baxay Beesha Caalamka ayaa lagu soo dhaweeyay shirka 15-ka bishaan uu ku dhawaaqay madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Beesha Caalamka ayaa hoosta ka xariiqday in aysan aaminsaneyn su’aasha ku saabsan goobta shirka lagu qabanyo ay cudurdaar u noqoto dib-u-dhac kasta ee ku yimaada shir-madexeedkan muhiimka ah.

Sidoo kale Warsaxaafadeedka ka soo baxay Beesha Caalamka ayaa lagu booriyay madaxda Dowladda Federaalka ah iyo Dowlad Goboleedyada in ay xaliyaan arrimaha yar ee ka harsan wadahadalladii Dhusamareeb isla markaana ay ku heshiiyaan jadwal doorasho oo gaaban kaas oo lagama maarmaan u ah hirgelinta Heshiiskii 17kii Sebtembar.

“Waxaan aaminsannahay inay muhiim tahay in wadahadaladii ka soo billowday Dhusamareeb si dhakhso leh looga mira-dhaliyo marka la guda-galo wada-hadalada soo socda. Waxaan ku dhiirigelineynaa madaxda DFS iyo DGXF ee ka qaybgelaya shir-madaxeedka inay si joogto ah ula xiriiraan oo ay ula tashadaan saamillayda kale ee Soomaaliyeed si wada-hadadalladu u noqdaan kuwo laga baaraan-degay” ayaa lagu yiri Warsaxaafaeddka ka soo baxay Beesha caalamka.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close