Wararka
Ra’isal wasaare Roble oo Sheegay in Dakhliga dalka uu 30% kor u kacay.
Ra’isal wasaaraha xukuumada federaalka Soomaaliya Maxamed Xussen Roble ayaa maanta hortagay Xildhibaanada golaha shacabka isagoo ugu warbixiyay Waxqabadka 100-ka malmood ee ugu horeeyay xukuumadiisa.
Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa hoosta ka xariiqay in xukuumadiisa ay ku guulaystay kordhinta dakhliga kaas oo sare u kacay 30%.
“Xukuumadda waxay ku guulaystay kordhinta dakhliga, tusaale dakhliga ka soo xarooda Dekadda Muqdisho wuxuu sare u kacay 30% taasoo noo suurtaglisay inaan sii joogteyno xuquuqda shaqaalaha iyo ciidamada”. ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble.