Wararka
MADAXWEYNE FARMAAJO OO SHIR ISUGU YEERAY MADAXDA DOWLAD GOBOLEEDYADA IYO GOBOLKA BANAADIR.
Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shir ku saabsan arrimaha doorashooyinka isugu yeeray Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.
Shirkan oo ka furmaya 15ka bishan Febaraayo magaalada Garoowe ee Dowlad Goboleedka Puntland, waxa uu dhameystir u yahay fulinta heshiiskii ay Golaha Wadatashiga Qaran ku gaareen magaalada Muqdisho 17kii Sebteembar 2020.
Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay sii xoojinaysaa dadaalkeeda ku aaddan sidii dalka looga hirgelin lahaa doorashooyinka, loogana wada hadli lahaa arrimaha lagu kala aragti duwan yahay iyada oo aasaasku yahay dhaqangelinta heshiiskii ay ansixiyeen Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare 26kii Sebteembar 2020.
Madaxweyne Mohamed Abdullahi Farmaajo ayaa isla caawo hoyga Villa Soomaaliya kulan kula yeeshay guddoonka golaha shacabka waxaa uuna kale hadlay sida loo surta galin karo Dorashada Qaranka.
Beeshacamka ayaa tan iyo shalay soo diray baaqyo ku saabsan sidii uu madaxweynaha dalka u qaban lahaa Shir kale oo la’isugu yimaado si wadahadallada ay u sii socdan.