Wararka
Beesha Caalamka oo markale ku baaqday in la qabto wadahadal looga arrinsado arrimaha doorashadda.
Beesha Caalamka ayaa soo dhaweysay dadaalada ay sameeyeen madaxda siyaasadda Soomaaliya si loo gaaro heshiis ku saabsan hirgelinta hanaanka doorashada ee 17kii Sebtember.
“Wadahadalladii lagu qabtay Dhuusa-mareeb 1-6 Febraayo horumar ayaa laga sameeyay qodobo badan oo muhiim ah, laakiin laguma wada heshiin dhammaan qodobadii taagnaa. Waxaan aaminsannahay in weli ay suurtagal tahay in la gaaro is-afgarad, iyo in dhammaan dhinacyadu ay ogol yihiin wada hadallo dheeri ah” ayaa lagu yiri Qoraalka ka soo baxay Xafiska UNSOM.
Sidoo kale Beesha ayaa madaxda Soomaaliya ugu baaqday inay dib u billaabaan wadahadalkooda si dhakhso loo gaaro heshiis kama-dambeys ah oo suurto-gelinaya in doorashooyinka qaran ay u dhacaan sida ugu dhakhsiyaha badan.
Beesha caalamka ayaa hoosta ka xariikhday in ay si xiiso leh u dhageysteen hadal-jeedintii Madaxweynaha ee Golaha Shacabka 6dii Febraayo waxa ayna qireen in madaxweynaha dowlada federaalka uu doonaayo inuu sii wado wadahadallada u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada.