Wararka
Madaxweynaha Galmudug oo ka tacsiyeeyay Geerida ku timid AUN Taliyihii ciidanka Nabadsugida Caasimada Galmudug.
Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa ka tacsiyeeyay Geedirida ku timid AUN Taliyihii ciidanka Nabadsugida Caasimada Gashanle Marxuum:Cabdirashiid Cabdi Shiiqdoon “Qooje” iyo Dhame Abdihakim Macalin mustaf iyo Askartii kale ee uu haleelay qarax lagula eegtay deegaan 20KM u jiro caasimada Dhuusamareeb.
Madaxweyne Axmed Qoor Qoor ayaa sidoo kale tacsida Geerida la wadaagay qoyskii, axsaabtii iyo ehelkii & qaraabadii ay ka baxeen, iyo sidoo kale taliska NISA Galmudug iyo guud ahaan ciidamada qalabka sida.
Galmudug waxaa horay Qarax Ismiidaamin loogu dilay Saraakiil ka tirsanaa ciidamda Xogga dalka qaybihiisa kale duwan waxaana dhawaanahaan ku soo noq noqday dagalada iyo qaraxyadda ay qorsheeyaan Al-shabaab.