Wararka
Maxaa ugu danbeeyay Shirarka ka socda Dhuusamareeb?
Magalada Dhuusamareeb ee caasimada dowlad goboleedka Galmudug waxaa uu shirar isdaba joog ah ugu socdaa Madaxda dowlada federaalka iyo dowlad goboleedyada xubnaha ka ah dowlada dhexe.
Madaxda dowlada iyo kuwa dowlad goboleedyada ayaa wado xalinta arrimaha lagu kala aragti duwan yahay ee la xeriiro Doorashada.
Arrimaha hadda taagan ee xalkooda lagu jiro waxaa kamid ah arrinta gobolka Gedo oo uu madaxweynaha Jubbaland Soo jeediyay in loo ogolado maamulkii hore ee gobolka Gedo in uu dib ugu noqda Xarunta gobolka Gedo ee Galbaharey.
Arrinta kale ayaa ah tan la xeriirta Guddiyadda Doorashada ee xildhibanadda gobolkada Waqooyi taas oo uu saluug ka muujiyay Guddoomiyaha Aqalka Sare kaas oo dowlada federaalka ku eedeeyay in xitaa aan lagu casuumin shirka Dhuusamareeb ka socda.
Balse Madaxwayne kuxigeenka Galmudug, Cali Daahir Ciid ayaa sheegay in heshiis laga gaaray qodobka soo xulidda xildhibaanada baarlamaanka ee gobolladii Waqooyi.
Midowga musharaxiinta doorashada Madaxtinimo oo WAR ka soo saray shirka maalinkiisi labaad ka soconayo dhuusamareeb ayaa booriyay in uu shirka sii socda si xal dhamaysiran loo gaaro.
Sidoo kale waxaa ay sheegeen in haddii lagaaro 8-Febraayo heshiis siyaasadeed oo wadar oggol ah oo keli ah looga gudbi karaa xilliga kala guurka siyaasadeed ee dalka.
Safiirka Boqortooyada Ingiriiska u joogga Soomaaliya Amb. Ben Fender ayaa dhankiisa soo dhaweeyay wadda haddaladda Socda waxaa uuna intaas ku daray in horay loo sii waddo wadda hadaladda lagu xalinaayo arrinta doorashadda.
Amb. Ben Fender ayaa qoraal kooban oo uu ku soo qoray Bartiisa Twitter ka ku yiri ” waan Ku faraxsanahay in wadahadaladani hada bilaabmeen. Waan ku raacsanahay asxaabteyda xafiska Qaramadda midoobe ee Soomaaliya – waa muhiim in hogaamiyeyaashu ay sii wadaan ilaa laga heshiiyo dhamaan arrimaha taagan, maalmaha soo socda, si doorashadu markiiba u bilaabato”
Xafiiska Qaramadda Midoobe ee ka howl gallo Soomaaliya waxa uu soo dhawaynayaa doodaha socda ee Dowladda Federaalka iyo hogaamiyaasha Dowladaha Xubnaha ka ah Dowlada Federaalka ee ka socda Dhusamareb waxaana ku boorrinaynaa kaqeybgalayaasha inay sii wadaan Wadahadalkooda hada waxaa la joogaa waqtigii lagu gaari lahaa is afgarad ku saabsan hirgelinta heshiiskii 17 september ee doorashooyinka.
30 kii bishii Janaayo ayuu madaxweynaha dowlada federalka Soomaaliya ku dhawaaqay in madaxda dowlada federaalka, kuwa dowlad goboleedyada iyo gobolka Banadir wadda hadal isugu yimadaan Dhuusamareeb 1-da bisha febraayo balse dib ayuu u dhacay oo madaxda qaar kamid ah maamul goboleedyada ayaan xadirin maalinkaas.
Urrurada Bulshada rayidka ah ee Soomaaliya, ayaa ku baaqay in shirka Dhuusamareeb aan lagu kala iman ilaa xal kamadambays ah laga gaadhayo.
Cismaan Muxidiin Shaatax oo ah Gudoomiyaha Ururada Bulshada Rayidka ayaa sheegay in aysan madaxda mar kale ku fashilmin shirka Dhuusamareeb.