Wararka
Lafta Gareen oo lagu soo dhaweeyay Dhuusa-mareeb.
Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa Garoonka Ugaas Nuur ee Caasimadda Galmudug Kusoo Dhoweeya wefdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan “Lafta gareen” oo Dhuusamareeb u tagay ka qeybgalka shirka looga arrinsanayo arrimaha doorashada.
Agaasimaha warfaafinta iyo xeriirka warbaahinta maamulka Koonfur Galbeed Mohamed Ibrahim Cali ayaa ka warbixiyay socdaalka Madaxweyne Lafta Gareen.