Wararka
Dowlada oo barnaamij ku saabsan xabsiyadda kale saxiixatay Hay’adda bisha Cas.
Masuuliyiin ka socotay dowlada federaalka Soomaaliya, Safiirka dowlada Turkiya u jooga Muqdisho iyo Madaxweynaha Hay’adda Bisha Cas ayaa maanta ka qayb galay munasabad ay heshiis ku kala saxiixdeen Wasaaradda caddaaladda iyo Hay’adda Bisha cas laanteeda Soomaaliya.
Heshiiskaan oo ku saabsanaa horumarinta Xabsiyadda dalka iyo wax baradda maxaabiista waxaa ka warbixiyay Agaasimaha guud ee wasaaradda Caddaaladda Axmed Yusuf Xassan.