Wararka
Maraykanka oo kordhiyay sharciga ilaalada qaxooti Suuriyaan ah ee ku nool dalkaas.
Waaxda Amniga Gudaha ee Mareykanka ayaa jimcihii ku dhawaaqday kordhinta sharciga ilaalada qaxooti Suuriyaan ah ee ku nool Mareykanka kuwaas oo garayo ilaa 6,700.
Sii hayaha Xogahayaha Waaxda Amniga Gudaha ee Mareykanka David Pekoske ayaa sheegay in waaxda ay kordhin doonto Xaaladda Ku Meel Gaarka ah ee Ilaalinaysa qaxooti Suuriyaan ah ee ku nool Mareykanka illaa Sebtember 2022 ayna u oggolaaneyso 1,800 oo Suuriyaan ah in ay codsadaan xaaladda.
“Dagaalka sokeeye ee Siiriya wuxuu sii wadaa muujinta bartilmaameedka ula kaca ah ee dadka rayidka ah, adeegsiga hubka kiimikada iyo xeeladaha dagaalka ee aan caadiga ahayn, iyo adeegsiga caruurta askarta ah,” ayay Waaxda Amniga Gudaha ee Mareykanka ku tiri hadal ay soo saartay.
Maamulka madaxweynihii hore Donald Trump ayaa labo jeer kordhiyay sharciga xaalad ku meel gaar ah ee difaaciida Siiriyaanka sababo la xiriira dagaalada ka socda Siiriya, sida ay qortay wakaalada wararka ee Reuters.