Wararka
Daawo:Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ayaa saaka dib ufuray kulamadii golaha , waxaana Xildhibaannada loo qaybiyey Hindise-Xereedka Diiwaan-gelinta Cod-bixiyaha.
Fadhiga 24-aad ee Kalfadhiga 47-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland oo uu shir-guddoomiyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Abdirashid Yusuf Jibril oo ay wehliyaan, ku xigeenka 1-aad Hon. Abdiaziz Abdullahi Osman iyo ku xigeenka 2-aad, Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa maanta Ajanduhu ahaa soo gudbinta Hindise-Xereedka Diiwaan-gelinta Cod-bixiyaha.
Intaa ka dib waxaa loo qeybiyey Xildhibaannada Hindise-Xereedka si ay ugu sameeyaan akhrinta labaad, si waafaqsan xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada DPL muddo saddex cishe ah ka dibna la horkeeno Golaha si looga doodo.