Wararka
100 askari oo ka tirsan kuwa Jubbaland oo lagu qabtay dagaalka Beledxaawo.
Wasirka Warfaafinta XFS oo shir jaraaid qabtay ayaa sheegay in la soo afjaray weerar ay soo qaadeen ciidamo daacad ah wasirkii Amniga Jubbaland Abdirashid Janan.
Wasirka ayaa sheegay in dowlada ay gacanta ku dhigtay 100 askari oo macaabis ah.
sidoo kale wasiirka ayaa shegay in qasaaraha uu isugu jiro mid nafeed iyo maal. 5 caruur ah oo hal qoys ah ayuu sheegay Wasir Dubbe in uu ku habsaday madfac ay soo tureen ciidamada Abdirashid Janan.
Dowlada Kenya ayuu ku eedeyay in ay madafiicdaas ku taa kuleeyeen ciidama sida uu ugu yeeray Jamhad ay soo aruurisay kenya oo loogu tala galay daadinta dhiiga waalidkood.
” Dalkaan 1991 dii ayuu bur buray dibna u ogolaan mayni inuu mar kale bur buro” ayuu yiri wasir Dubbe oo ka hadlaayo hub sharci darro ah oo uu sheegay in dhawaan la soo bandhigi doona.
Warar ka madax banaan dowlada ayaa sheegayo in dagaalka oo xalay bilawday ay ku dhibteen ku dhawaad tobbaneeyo ruux oo shacab u badan. Sidoo kale sida dadka dagaanka xaqiijiyeen taliye ku xigeenka Saldhiga Beledxaawo iyo Laba ilaalidiisa ayaa ku dhintay dagaalka.