Wararka
Wasirka Waxbarashada oo kormeer ku tagay Akademiyada cilmiga fanka iyo suugaanta (AKHRISO).
Muqdisho (tusmotv.so) – Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee XFS Soomaaliya Eng.Cabdullaahi Abuukar Xaaji (Cabdullaahi Carab) ayaa maanta kormeer ku tagay Akademiyada cilmiga fanka iyo suugaanta ee magaalada Muqdisho.
Eng.Cabdullaahi Abuukar Xaaji ayaa kormeeray qeybaha ay ka kooban tahay Akademiyadda cilmiga fanka iyo suugaanta.Waxa uuna kulan laqaatay howl-wadeenada Akademiyadda waxa uu ka dhageystay warbixin ku aadan shaqooyinka Akademiyadda.
Wasiirka Wasaaradda Waxbarshada Hiddaha iyo Tacliinta sare Cabdullaahi Abuukar Xaaji (Cabdullaahi Carab) ayaa sheegay inay muhiim tahay horumarinta Akademiyada cilmiga fanka iyo suugaanta islamarkaana qorshaha ay ugu jirto in dib u dayactir lagu sameyo dhismayaasha bur bursan.
“Waxaan ka shaqeyneynaa sidii loo horumarin lahaa Akadamiyadda cilmiga fanka iyo suugaanta oo ah xarunta ilaalisa horumarisa dhaqanka iyo afka hooyo” ayuu yiri Wasir Cabdullaahi Carab.