Wararka

Askari Hore oo lunsaday Qori AK-47 oo manta xuriyaddiisa dib u helay (Akhriso).

Muqdisho (tusmotv.so) – Wasiirka wasaaradda caddaaladda xukuumada federaalka Soomaaliya Abdulkadir Mohamed Nur ayaa maanta hooyo Soomaaliyeed ku wareejiyay wilkeeda oo muddo ka xirnaa.

Hooyo Luul Cusmaan ayaa wiilkeeda oo lagu magacaabo Xasan Cali waxa loo haystay hanti Qaran oo uu lunsaday sida uu sheegay wasiirka.

16 kii bishaan Janaayo ayaa hooyo Luul Cusmaan waxaa hoyga ay ka dagantahay Degmada Xamar Jajab ee gobolkaan Banadir ku booqday wasiirka caddaaladda xukuumada federaalka Soomaaliya Abdulkadir Mohamed Nur.

Hooyo Luul Cusmaan ayaa arrinka uu wilkeeda u xirannaa ku sheegtay in uu lunsaday Qori uu ugu shaqaynaayay shacabka Soomaaliyeed xiligaas oo uu ka mid ahaa ciidanka Xogga dalka.

Xasan Cali oo ka tirsanaa ciidanka xogga dalka ayaa muddo ka badan 4 sano u xirnaa laamaha Amniga ka dib lunsashada hantida Qaranka. Waxaa uu ahaa wilka kaliya ee hooyo Luul Cusmaan ugu harsanaa 14 caruur ah oo ay dhashay.

Xasan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in qoriga uu gatay uu noociisa ahaa AK-47 kaas oo uu doonaayay in uu ku guursado balse uu sabab u noqday xariga muddada afarsa sano qatay.

Wasiirka caddaaladda oo ka duulaayo balan qaadka uu u sameeyay hooyadas dhiban ayaa sheegay in dib u soo deynta Xoriyadda wilkaan ay ku qadatay muddo laba maalin ah isagoo u maray sifa sharci ah.

Waxaa uu wasiir Abdulkadir Mohamed uu u mahad celiyay muxsiniinta Soomaaliyeed ee gacanta ka gaysatay dib u soo deynta Xasan Cali iyo bahda Garsoorka iyo Cadaaldda oo door muqda ka qatay xuriyadda uu helay wilkaas Soomaaliyeed.

Image may contain: 3 people, people standingImage may contain: 2 people, people sittingImage may contain: 2 people, people standing and outdoorImage may contain: one or more people, people standing and outdoorImage may contain: 1 person, indoor

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close