Wararka
Kulan dhexmaray Ra’isal wasaraha dalka iyo Madaxweynaha Hirshabeelle.
Muqdisho (tusmotv.so) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay madaxweynaha Dowlad-goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen.
Ra’isal wasaraha iyo madaxweynaha Dowlad-goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa ka wada hadlay dardargalinta hannaanka doorashooyinka,sugidda amniga & horumarinta deegaannada Hirshabeelle.
Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa Magaalada Muqdisho waxaa uu kulamo kale duwan kula qaatay musharaxiinta u tartamaayo xabashada xilka madaxweyne iyo siyaasiyiin kale oo ka soo jeedo deeganada Hirshabelle isagoo kala hadlay xaladda Amni ee Hirshabelle.