Wararka
Maxaad kala socotaa waxa uu madaxweynaha Uganka ka aaminsanyahay dadka isku jinsiga ah ee Isku Galmooda? (AKHRISO).
Muqdisho (tusmotv.so) – Madaxweynaha Uganka Yoweri Museveni oo markii lixaad ku guulaystay doorashada dalkaasi ka dhacday ayaa waraysi uu siiyay muuq baahiyaha CNN waxaa uu kaga jawaabay suallo dhowr ah.
Madaxweyne Museveni ayaa iska dheereerayay eedeyma ah in ciidamada amaanka ay dileen ku dhawaad 54 ruux waxaa uuna sheegay in 22 kamid ah 54 ruux ay baaris dheeraad ah ku wadaan waxa sababay geeridooda halka 32 kalena ay ahaayeen kacdoon abuura yaal amaanka lid ku ah oo ciidamada amaanka weerar ku soo qaaday.
“32 kamid ah 54 daas, waxaa ay ahaayeen kacdoon abuurayaal dagaal la galay ciidamada amnida, Waana habkaas sida ay ku dhinteen. adiga ayaan hadda ka maqlaa oo ka hadlaayo kacdoonka Maraykanka ka socda, waxaadna leedahay Kacdoonka waa fikir xun. Tanina waa noocaas kacdoonka camal ah waana sidaas sida ay samaynayeen kolka ay dhimanayeen. Sidoo kale waxaa jiro 22 ruux oo kale oo xaalada kale u dhintay wayna socotaa baarista ku saabsan waxa sababay geeridooda”.
Yoweri Museveni ayaa dhanka kale si kulul ugu jawaabay eed ugu timid dadka isku jinsiga ah ee isku galmooda ee loo yaqaano GAY ama qaniis taas oo aheed in aysan awoodin in ay tagaan goobaha cod bixinta madama ay ka baqayaan in lagu bartilmaamaysto.
“Hadda waxaa jirto isfaham darro weyn oo ku aadan gumaysiga siyaasadda waddamada qaar ee ku aadan qaaradda Africa. Dadka isku jinsiga ah ee isku Galmooda hadda uguma horeyso Africa. Halkaan way ka jiri jireen, waan naqanaa. Balse waxaan ka kala aaminsanahay aragtiyo kale duwan. Waxaa jiro dadyoow kala caado ah, lama dilo, lama kufsado, lama ceebeysto balse ma dhiira galinayno oo ma hor marinayno dhaqanka dadka isku jinsiga iskugu galmoodaan. ma hormarin doona. mana u hormarin doona sida reer galbeedka.
Dadka ku nool dalka Uganda ayaa la sheegaa in 80% ay ka yaryihiin da’da 30 sano kirka ah. Dastuurka dalka Uganda waxaa la badalauy tiro seddex goor ah oo loo badalay sabab la xeriirta da’da uu jiro madaxweynaha hatan talada dalkaas sii xoojistay. Yoweri oo la waydiiyay waxa uu u haayo dhalinyaradda reer Uganda ayaa yiri.
” Hagaag, waxaan ahay midka u suurta galiyay 80% dadkaas in ay ka bad baadaan cudurada dilaaga ah ee carurta ku dhaca xiliga ay yarhihiin, Waxbarasho u sahlay, siiyay dhaqaalo ku filan. waxaana u hayaa Miisaaniyad wanagsan. Waan taageeri karaa, waan taageerayaa dhalinyaraddaas”