Wararka
Kulan Dhex-maray masuliyiinta wasaradda Maliyadda iyo madaxda UK.
Muqdisho (tusmotv.so) – Wasiirka wasaaradda Maaliyadda xukuumada federaalka Soomaliya Dr Cabdiraxmaan Ducaalle Bayle ayaa kulan la yeeshay masuuliyiinta safaadda Uk oo uu ugu horeeyo Safiirka UK ee Soomaaliya Ben Fender.
“Waxa aan maanta shir ku saabsan dib-u-habeynta Maaliyadda iyo Isbadalka Dhaqaalaha Dalka la yeeshay masuuliyiinta Safaaradda UK ee Soomaaliya” ayuu yiri Wasiir Bayle.
Wasiir Bayle ayaa u mahad naqay masuuliyiinta UK ee Soomaaliya waxaa uuna sheegay in wada shaqaynta kale dhaxayso Boqortooyada ay u sahashay in kalsoonida Caalamka ay dowlada la soo laabatay.