Wararka
Madaxweyne Lafta Gareen oo garay Xudur (AKHRISO).
Xudur (tusmotv.so) Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen iyo Wafdi uu Hogaaminayo ayaa soo Gaaray Degmada Xudur ee Gobolka Bakool isagoona Socdaalkiisa uu Yahay ka jawaabida Baahiyaha Haysta Bulshada ku Nool Degmada Xudur ee Gobolka Bakool.
Dhawaan ayaa dadka degan Degmada Xudur ee Gobolka Bakool waxaa ay cabasha ka muujiyeen cunaqabateen saaran taas oo ay sheegeen in ay sababi karto dhimasho madama aysan wax kaga imaan karin deegaanada kale ka dib xanibaad ay Al-shabaab saartay.
Sidoo kale deegaanada Degmada Xudur ee Gobolka Bakool waxaa dhiibaato ba’an ku haayo ayaxa oo deegaanada Soomaalida xaalufiyay.
saamaynta ayaxa iyo cunaqabateenta Al-shabaab ay sareen shacabka Degmada Xudur ee Gobolka Bakool ayaa sababtay in ay dowlada iyo maamulka Koonfur Galbeed ka codsadaan gar gaar bani’aadannimo.