Wararka
Masiibada maldahan ee ka jirto deeganada hoos-tago Gobolka Mudug (AKHRISO).
Muqdisho (Tusmotv.so) – Al-shabaab ayaa xalay weerar ku qaaday deeganka Ceeldheere oo dhacda wadada laamiga ah ee isku xirta GURICEEL iyo Dhusamareeb, 20 km dhanka galbeed ka jirta Caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb sida aan ka soo xiganay Xildhibaan Mahad Salad.
Sidoo kale Xildhibaan Mahad Salad oo ah mudanaha laga soo doorta Galmudug ayaa hoosta ka xariiqay in ay dib u soo laabteen isbaarooyinkii horay looga qaaday deegaanada Galmudug qaarkood.
Xildhibaanka ayaa ugu danbeyn qorma uu soo dhigay Mareegtiisa Facebook waxaa uu shacabka Galmudug ka codsaday in ay u diyaar garoobaan in ay iska difaacaab Al-shabaab oo ay isku tashtaan.
Degmooyin iyo Tuulooyin ay ka mid yihiin Bacaadweyne, Caad iyo Camaaro oo hoostago Gobolka Mudug ayaa biloowinkii ugu danbeeyay waxaa ku soo noq noqday weerarada ay Al-shabaab ku qadaan iyadoo bara kiciyay dadkii deegaanadaas daganaa oo ay ka bur buriyeen ceelashii iyo tuulooyinkiina waa ka dumiyeen sida uu qiray Mudane Xildhibaan Mahad Salad.