Wararka
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo kormeer ku tagay Xeryaha Ciidanka Xoogga Dalka.
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa kormeeray Difaacyada iyo Xeryaha Ciidanka Xoogga Dalka ay ku leeyihiin Gobolka Shabellaha Hoose.
“Waxaan muddo Asbuuc ah kormeer kusoo marnay Difaacyada Ciidanka ay ku suganyihiin ee Gobalka Shabeellaha Hoose. Waxaa farxad gaar ah inoo ah Booqashada iyo u kuur gelidda Xaaladda ay ku suganyihiin Ciidamada Furinta jooga, waana sii wadi doonnaa baacsiga iyo cirib tirka khawaarijta” ayuu yiri Gen. Odawa Yusuf Rage.
Sidoo kale Gen. Odawa Yusuf Rage ayaa sheegay in Wada shaqeyn iyo kalsooni ay ka dhaxeyso Ciidanka Iyo Bulshada.