Wararka
Madaxweynaha Puntland oo shir guddoomiyay Kulan Gaar ah.
Madaxweynaha Dowlad goboledka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Shir-guddoominaya Shir gaar ah oo looga hadlayo xal u helida cabashooyinka la xiriira shillin Soomaaliga.
Kulanka oo uu Madaxweynaha ku weheliyo Madaxweyne Ku-Xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, waxaa ka qeybgalay Madaxweynihii hore Senator Cabdiraxmaan Faroole, Masuuliyiinta Wasaaraddaha Arrimaha Gudaha, Maaliyadda, Ganacsiga iyo Qorsheynta, Bangiga Dowladda, Wasiiradii hore ee Maaliyadda Faarax Cali Shire iyo Cabdullaahi Shiikh.
Sidoo kale kulanka waxaa ka qeybgalay Khuburo ku xeeldheer arrimaha dhaqaalaha, La taliyeyaal Madaxweyne, Saraakiil Madaxtooyo, Taliska Ciidamada Booliska, Maamulka Gobolka Nugaal, kan degmada Garoowe iyo qaar ka mid ah madaxda Jaamacadaha Puntland.