Wararka

Maxaa lagu Xasuusan Doonaa Allaha u Naxariistee Wariye Axmed Abdinuur.

Waa  Allah u naxariistee Wariye Axmed Cabdi Nuur oo shalay ku geeriyooday  casimada London ee Boqortooyada Ingiriiska kaas oo in muddo ah shacabka soomaaliyee kala soo hadli jiray Laanta Af-ka Soomaaliga ee BBC-da.

Allah u naxariistee Wariye Axmed Cabdi Nuur ayaa warbaahinta ku soo biiray 1982 -dii. Warbaahinta dowlada ayuu kamid noqday. Ka hor waxaa uu ahaa macalin, sidoo kale Garsoore ayuu ahaa.

Waxaa uu Laanta Af-ka Soomaaliga ee BBC-da ku biiray bishii June -1996-dii sida uu isaga ku sheegay waraysi uu siiyay  BBC-da 16 Febraayo 2019 xiligaas oo uu shaqada BBC-da uu ka fariistay Maaddaama ay BBC-da soo wareejisay barnaamijyadeeda ka imaan jiray London. waxaa shaqada ka tegaya inta badan shaqaalihii raadiyaha ee ka howl gali jiray xarunta London.

Muqdisho ayuu uga soo warrami jiray iddaacada, wuxuuna ka sheekeynayaa waxyaabihii uu la kulmay intii uu ka shaqeynayay Muqdisho.

Allah u naxariistee Wariye Axmed Cabdi Nuur ayaa can ku ahaa Barnaamijyada ka baxa bbc-Soomaali sida Barnaamjka ciyaaraha oo uu tabiya iyo falanqeeyaba uu ka ahaa iyo barnaamijka DUNIDA IYO MAANTA. Bal aan dib u jaleecno.

Allaha u naxarisitee Weriye Axmed Cabdi Nuur ayaa ku dhashay magaalada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud sanadkii 1955kii waxana uu waxbarashadiisii illaa heer jaamacadeed ku dhamaystey magaalada Muqdisho.

Axmed Cabdinuur, oo Soomaalidu ay si weyn magaciisa iyo codkiisaba u yaqaanneen ayaa u geeriyooday xanuunka safmarka ah ee Covid-19, sida ay xaqiijisay xaaskiisa saynab.

 

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close