Wararka
Garoowe oo mar kale laga diiday Lacagta Shilin Soomaaliga ah.
Suuqyada Garoowe, waxaa saaka oo Khamiis ah mar kale laga diiday Lacagta Shilin Soomaaliga ah, kadib markii Ganacsatadu sheegtay in Bankiga dowladda Puntland uu diiday Sarrifka iyo socod-siinta Shilinka.
Dhammaan Goobaha kala duwan ee Ganacsiga Garoowe iyo Dukaannada Xaafadaha ayaa diiday Shilin Soomaaliga, waxaana Cuntada iyo Adeegyada as’aasiga ah lagu iibsanaya Lacagta Dollarka.
Dhawaan ayay aheed markii digreeto ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Saciid Cabdulahi Deni lagu mamnuucay in shirkadaha Isgaarsiinta iyi bangiyada maamulkaasi aysan xawili Karin lacag dollar ah oo ka yar 10 Dollar.