Wararka

Guddiga arrimaha gudaha iyo amniga Golaha Shacabka oo suallo waydiiyay wasirka Amniga.

Guddiga arrimaha gudaha, amniga iyo maamulada gobolada ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xarunta Villa Hargeysa waxay kula kulmeen Masuuliyiinta Wasaaradda amniga gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya.

Masuuliyiinta ay guddiga la kulmeen waxaa ka mid ahaa Wasiirka Wasaaradda amniga gudaha Xasan Xundubeey Jimcaale, Wasiiru dowlaha Wasaaradda Farxaan Cali Axmed iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda amniga.

Guddiga iyo Wasaaradda amniga ayaa waxay ka wada hadleen xaalada amni ee dalka, u diyaar garowga sugidda amniga doorashooyinka, xoojinta wada shaqeynta labada dhinac iyo qodobo kale.

Xubnaha guddiga ayaa su’aalo ku saabsan amniga guud ee dalka weydiiyay wasiirka amniga iyo masuuliyiintii la socotay ee Wasaaradda amniga.

Guddoomiyaha Guddiga arrimaha gudaha, amniga iyo maamulada gobolada ee Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamed Cabdulle Faarax Geeseey ayaa xubnaha Wasaaradda kaga mahad celiyay sida wanaagsan oo ay guddiga ugu warbixiyeen iyo su’aalaha shaqada ku saabsan oo ay ka jawaabeen.Image may contain: 1 person, sittingImage may contain: 3 people, people sittingImage may contain: 2 people, people sittingImage may contain: 7 people, people sitting, table and indoor

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close