Wararka
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Cadaaladda oo xilka si rasmi ah ula wareegay.

Munaasabadda xilwareejinta Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Cadaaladda, Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya ayaa maanta ka dhacday dhismaha kumeelgaarka ah ee wasaaradda Cadaaladda.
Munaasabaddan waxaa goobjoog ahaa Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Xildhibaan Cabdicasiis Maxamed Maxamuud (Qambe), Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Cadaaladda.
Wasiirka iyo Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Cadaaladda ayaa si wadajir xilalka u kala wareejiyay Maxamed Caabbi Xasan, Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Cadaaladda iyo Axmed Xasan Yuusuf, Agaasimaha cusub ee Wasaaradda Cadaaladda.
Sidoo kale Wasiirka iyo Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Cadaaladda ayaa u mahadceliyay Agaasimihii hore shaqadii uu soo qabtay mudadii ku dhoweyd lixda sano ee uu ka shaqeynayay Wasaaradda, islamarkaana waxay Agaasimaha Cusub u rajeyeen guul, iyagoo howl-wadeennada Wasaaradda kula dardaarmay in ay garab istaagaan.
Axmed Xasan Yuusuf, Agaasimaha cusub ee Wasaaradda Cadaaladda ayaa horay u ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha, iyo Tacliinta Sare, waxaana jagadaasi uu maanta ku wareejiyay Maxamed Caabbi Xasan, oo isagu ah Agaasimiha sagootiyay Wasaaradda Cadaaladda.