Wararka
Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo dhul ku wareejiyay Hay’adda bisha-cas.

Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid ayaa kormeer shaqo ku tagay xarunta caafimadka bisha-cas Xafiiskeeda Caasimadda Galmudug ee dhuusamareb.
Kormeerka madaxweyne ku-xigeenka Galmudug waxaa ku wehliyay wasiirka cadaaladda Galmudug, wasiiru-dowlaha wasaaradda Caafimadka Galmudug, Maamulka caasimadda, iyo agaasimaha guud ee madaxtooyada dowladda Galmudug.
Cali Daahir Ciid ayaa indha-indheyn iyo kormeerka kadib saraakisha caafimadka bisha-cas ka dhageystay shaqada ay bulshada gobalka u hayaan iyo baahidooda, waxaana uu Madaxweyne ku-xigeenku ballan-qaaday in bisha-cas lagu wareejin doono xarunta ay hadda ku shaqeyso oo ay hore u lahayd maxkamadda Racfaanka si loogu adeego bulshada.
Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug ayaa sidoo kale sheegay in maxkamadda racfaanku la siinayo dhulkale oo ay dowladdu ku wareejin doonto.