Wararka
Ra’isal wasaare kuxigeenka dalka oo garay Garowe.

Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminaayo Ra’isal wasaare ku xigeenka xukuumada federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa maanta gaaray magaalada Garoowe ee caasimada dowlad goboleedka Puntland.
Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullahi Deni ayaa Garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir Airport ee Garoowe kusoo dhoweeyay wafdiga Ra’isal wasaaraha.
Wafdiga Ra’isal wasaare ku xigeenka ayaa Garoowe u tagay sidii ay ugu qayb gali lahaayeen dood wadaag ay soo qaban qaabisay Macadka Hiritage.
Dood wadaagga uu macadkaan soo qaban qaabiyo ayaa lagu falan qayn doonaa “sida looga bixi karo Kumeel Gaarnimada” waxaana horay doodaha uu mahadkaan soo qaban qaabiyo lagu qaban jiray dalka Dibaddiisa.