Wararka
Galmudug iyo Puntland oo ku heshiiyay in ay ka sinaadaan Mowqifka arrimaha doorashada Qaranka.

Madaxweynayaasha Dowlad goboleedyada Puntland iyo Galmudug ayaa si wadajir ah uga qeybgalay Shirka Iskaashiga Puntland iyo Galmudug oo ka furmay xarunta Madaxtooyada Puntland ee Gaalkacyo.
Kulanka ayaa looga hadlay Iskaashiga Puntland iyo Galmudug, ee dhinacyada Amniga, isdhexgalka bulshada iyo horumarka dhinac kasta. Sidoo kale waxaa kulanka looga hadlaya guud ahaan xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan Doorashadda.
Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cilmi Kaariye Qoor Qoor ayaa yiri “Kulan kaan oo dhinacyo badan taabanayay, waxaan si gaar ah diirada ugu saarnay arrimaha Amniga gudaha iyo sidii loo xoojin lahaa Iskaashiga amniga iyo arrinta doorashooyinka qaranka. Waxaan si wadajir ugu baaqnay in aragti kala duwanaashaha la xariira arrimaha doorashada qaran lagu xaliyo wadahadal iyo isku tanaasul”.
Waxaa shirka ka qeybgalaya, Xildhibaano ka tirsan Aqalka Sare ee Soomaaliya, Wasiiro iyo Saraakiil Madaxtooyo oo ka tirsan Puntland iyo Galmudug iyo Guddoomiyeyaasha Gobolada iyo Degmooyinka ee labada dhinac ee Gobolka Mudug.