Wararka
Madaxweynaha Somaliland Oo Kulan La Qaatay Safiirka ay Taiwan u magacawday Somaliland.
Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa xafiiskiisa ku qaabiley safiirka Safiirka ay Taiwan u magacawday Somaliland Allen C. Lou iyo masuuliyiin kale.
Kulankan ayaa intii uu socday waxaa diiradda lagu saaray arrimo kala duwan oo la xidhiidha Sidii loo dardargelin lahaa xidhiidhka Taiwan u iyo Somaliland iyo sidii loo xoojin lahaa deeqaha waxbarasho ee ay Taiwan siiso ardayda reer.
Sidoo kale, waxa kulankan lagaga wada-hadlay arrimaha caafimaadka, gaar ahaan xakamaynta xanuunka Covid-19 iyo sidii ay Taiwan gacan uga geysan lahayd inay Somaliland hesho tallaalka cudurka Covid-19.