Wararka

DEG-DEG: Dowlada oo Kenya ugu digtay ficilo lidig ku ah amniga gobolka Gedo.

Dowlada federaalka Soomaaliya ayaa Kenya ku eedeysay in ay abaabulayso kooxa hubaysan oo ay doonayso in ay in qal qal galiso Amniga gobolka Gedo.

War saxaafadeed ka soo baxay dowlada federaalka ayaa lagu yiri “Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay uga digeysaa Dowladda Kenya ficillada gurracan ee ay ku wiiqayso nabadgalyada guud ee Gobolka Geeska Afrika, waxayna mar kale ku celinaysaa in ay Kenya ka fiirsato faragelinta qaawan ee ay ku hayso arrimaha gudaha Soomaaliya oo ay ka dhalan karto xasillooni darro saameyn ku yeelata amniga Gobolka”.

Sidoo kale qoraalka ayaa lagu yiri “Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay qaadeysaa tallaabo kasta oo ay ku xaqiijinayso madaxbannaanideeda siyaasadeed, wadajirkeeda dhuleed iyo ilaalinta sharafka iyo karaamada shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya”.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close