Wararka
Ra’iisul Wasaare Roble oo balan qaday in ay masharic ka fulin doonaan deganka Huurshe.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray degmada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud.
Ra’iisul Wasaare Mohamed Hussein Roble oo shacabka kula hadlay degaanka Huurshe ayaa ka dalbaday dhowrista nabadda, una balan qaaday in dowladdu ka fulin doonto mashaariic horumarineed deegankaasi.
Mohamed Hussein Roble ayaa horay u shaaciyay in uu safar ku mari doona magaalooyin dhowr ah isaga oo socdaalkasi ugu magac daray waxqabadka 90 ka maalmood ee xukuumada cusub.