Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa magaalada Garowe kulan kula yeeshay qeybaha bulshada rayidka Puntland.
Ra’isal wasaaraha ayaa bulshada rayidka Puntland uga waramay xaaladda uu dalku marayo, gaar ahaan xilligaan lagu jiro doorashooyinka.
Maxamed Xussen Roble ayaa Magaalada Garowe waxaa uu kulamo gooni gooni ah kula qadanayaa hoggaanka bulshada sida Odoyaasha dhaqanka, siyaasiyiinta iyo masuuliyiinta Dowlad goboleedka Puntland.