Wararka
Guddoomiye ku xigeenka Amniga gobolka Banadir oo ku baqay in la soo qabta dadkii ka danbeeyay dil loo gaystay Saraakil xogga dalka.
Guddoomiye ku xigeenka Amniga gobolka Banadir Cali Yare Cali oo kamid ahaa dadkii muddo ku dhaw laba sano ka shaqeynaayay heshiiska nabadeynta beelaha degan deeganada Guriceel iyo Balanbal ayaa si kulul u cambaareeyay falkii galabta ka dhacay inta u dhaxayso Balan bal iyo Guriceel oo dil loogu gaystay saraakil ka tirsan Guutada 15-aad ee ciidanka xogga dalka.
“labada Sano iyo bar ah aan waqti badan ku bixiyay sidii loo nabadeyn lahaa dadka walaalaha ah ee dagan Gobollada dhexe, masuuliyad ayaana iga saaran ilaalinta heshiisyadii aan qeybta ka ahaa iyo ka run sheegista dulmiga cad oo ay maanta faleen dadka deegaankeyga ee reer Guriceel”. Ayuu yiri Cali Yare.
Cali Yare Cali ayaa qoraal dheer uu kusoo daabacay bartiisa Facebook waxaa uu odoyaasha dhaqanka indheergaradkq Reer Guriceel, maamulka Galmudug iyo talista Guutada 15-aad ka dalbaday in ay soo gacan galiyaan dadkii ka danbeeyay dilka saraakiisha.
“Waxay tahay in cod dheer aan ugu sheegno indheergaradkq Reer Guriceel, maamulka Galmudug iyo talista Guutada 15-aad in ay soo gacan galiyaan danbiilayaashii laayay saraakiisha ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed sida uu dhigayay heshiiskii Beelaha Balanbal iyo Guriceel, in aanay hooy iyo gobaad siin danbiilayaasha iyo in meel looga soo wada jeesto kuwii xumaha falay”. Ayuu raaciyay Qoralkiisa.
Ugu Danbeyn Guddoomiye Ku xigeenka Amniga Gobolka Banadir ayaa tacsi u diray Dhamaan Qoysaskii, Asxaabtii iyo ciidanka xogga dalka ee ay saraakiishaasi ka baxeen isaga oo Ebba ugu baryay in uu ka waraabiyo JanaTu fardowso.