Wararka
Wasaradda Amniga Galmudug oo ka hadashay Saraakil Xogga dalka oo la laayay.
Wasaaradda Amniga Gudaha dowlad goboleedka Galmudug ayaa war saxafadeed ka soo saartay Dil wadareed loo gaytstay saraakiil ka tirsan Ciidanka Xogga dalka kuwaas oo galabta lagu laayay inta u dhaxayso magaalada Guriceel iyo Balanballe.
Wasaaradda ayaa sheegtay in ciidamada amaanka Galmudug ay ku guulaysteen in ay soo bad baadiyeen saraakil ka qayb aheed kuwii la weeraray waxaa ayna intaasi ku darday in ciidamada ay ku raad joogan kooxdii falkaas gaysatay.
Warsaxaafadeedka kasoo baxay wasaaradda Amniga Galmudug ayaa u qornaa Sida tan:
Wasaaradda Amniga Gudaha Galmudug waxay ka tacsiyaynaysaa dilka saraakiil ka tirsan xoogga dalka oo galabtay maleeshiyaad hubaysan ay ku dileen meel u dhexaysa magaalada Guriceel iyo Balanballe.
Ciidamada amaanka Galmudug hawlgal baahsan oo ay ka wadaan deegaankii faldanbiyeedkaas foosha xun uu ka dhacay, waxay ku guulaysteen in ay soo badbaadiyaan saraakiishii la weeraray qeyb ka mid ah ayagoo ku raadjooga kooxihii dilkaas geystay si cadaaladda loo horkeeno.
Wasaaradda Amnigu waxay eheladii, qaraabadii iyo ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan qeybta 21aad uga tacsiyaynaysaa geerida ku timid saraakiishaas, waxaana ilaahay looga baryayaa inuu naxariisto, sabir iyo iimaan uu idinka siiyo.