Wararka
xuska 17 aad ee maalinta Caalamiga ah ee la-dagaalanka Musuq-maasuqa oo dalka lagu qabtay.
Magaalada Muqdisho waxaa maanta lagu qabtay xuska 17 aad ee maalinta Caalamiga ah ee la-dagaalanka Musuq-maasuqa 9 Disembar.
Xuska waxaa ka qayb galay Ra’isal wasaare Ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Gulled Khadar, Wasiirro, Xildhibaanno iyo marti Sharaf kale.
Xeer Illaaliyaha Guud ee dalka Dr. Suleymnaa Maxamed Maxamud oo madasha ka hadlay ayaa Shacabka Soomaaliyeed ku wargaliyay in dhamaan hay’adaha u xilsaaran la dagaalanka Musuq Maasuqa ay iska kaashanayaan cirib tirka Musuqa.