Wararka

Qaramada Midoobay oo gar gaar bani’adannimo garsiisay dadkii ay waxyeelaysay Duufanta Gati.

Qaramada Midoobay ayaa gacan ka geysatay caawinta qoysas gaaraya 12,650 oo ay saameyn ku yeelatay duufaanta Gati oo dhawaan ku dhufatay deegaanno ka tirsan Puntland, gargaarkan ayaa isugu jiray hoy, waxyaabaha aan cuntada ahayn, iyo adeeg caafimaad.

Dadka ay dhibaatadu saameysey ayaa aad ugu baahan kaalmo degdeg ah si ay dib ugu soo ceshadaan noloshoodii.

Gaar ahaan, in ay dib helaan xoolo ay dhaqdaan, in ay hagaajistaan qalabkoodii kalluumeysi ee waxyeelladu soo gaartay iyo in laga caawiyo ganacsatada yaryar dib u yagleelidda ganacsiyadoodii.

Dadkan ayaa sidoo kale u baahan in loo dayactiro iskuulada burburay, nidaamka biyaha, xarumaha caafimaadka iyo waddooyinka.

Dad ka badan 120,000 qof ayey dhibaatadu ka soo gaartay Duufaanta Gati, gaar ahaan dadka ku nool degmooyinka Boosaaso, Xaafuun, Gumbax iyo Iskushuban.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close