Wararka
Madaxweyne Deni “Laga billaabo berito Bangiga Dowladda waxaan farayaa inuu Sarifo Doolarka”.
Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kulan la qaatay ganacsatada heerarkeeda kala duwan, waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Puntland.
Madaxweynaha oo hadal u jeediyay Bulshada ayaa aad u faahfaahiyey arrimaha la xiriira sicirka sarifka, cabashooyinka dowladda soo gaaray iyo go’aamada ay kasoo saartay dowladdu oo waxbadan xaaladda dejiyay.
Wuxuu Madaxweynuhu bulshada la wadaagay in Dowladdu go’aamisay in Bangiga Dowladda, kuwa gaarka loo leeyahay iyo Shirkaddaha xawaaladaha la faray inay sameeyaan qeyb sarifta lacagaha.
“Laga billaabo berito Bangiga Dowladda waxaan farayaa inuu Sarifo Doolarka, si dadka Shillin Soomaaliga u haysta uu doolar u siiyo, kuwa Doolarka watana uu Soomaali ugu bedelo” ayuu yiri madaxweyne Deni. “Bangiyada kale ee gaarka loo leeyahay iyo shirkaddaha xawaaladaha iyagana waxaan faraynaa inay qeyb sarif sidaasi oo kale sameeyaan”. ayuu ku daray hadalkiisa.